• Home
    • Wararka
    • Wareysiyo
    • Arimaha bulshada
    • Suugaan
    • Taariikhda Islaamka
    • Nagala soo Xariir
  • DHEGEYSO: GABAYGA NAFTII HAFAR OO U SAABSAN XASAN SHEEKH IYO JABKA CIIDANKIISA.
  • Cabsi Alshabaab laga qabo miyaa Afka loo duubtay?
  • Dhegeyso oo akhriyso Gabayga Af bullaacad
  • Gabayga dib isu weydiiya?
  • Gabayga qaldhac iyo qamanyo
SOMALI LINKS

DHEGEYSO: GABAYGA NAFTII HAFAR OO U SAABSAN XASAN SHEEKH IYO JABKA CIIDANKIISA.

June 12, 2024 - Written by admin - Edited byadmin

xasan amxaarGabaygaan Naftii hafar waxa uuu ku saabsan Madaxweynaha Dowladda federaalka ah ee naftii nabaha ah isla markaana sheegta guulo uusan gaarin ,

sidoo kale waxa uu ka hadlayaa Ciidamadiisa uu u soo diray la dagaalanka Shareecada islaamka iyo burburinta Wilaayaadka Islaamiga ah laakiin taa bedelkeeda Ciidanka Difaaca Shareecada kala kulmay iska caabbin isla markaana meydadkooda fagaarayaasha la waray.

Gabaygaan waxa uu soo baxay 4 dul xijjah 1445 oo ku beegan 10 bsha june 2024 waxana tiriyay Abwaan Cabdullaahi yaasiin Jaamac (Cabdullaahi soomaali)

Gabayga_Naftii_hafar_ee_ku_saabsan_Xasan_Sheekh_iyo_jabka_Ciidankiisa

Ha’da gabay higaadeeda waa laygaga horeeye

Sayid muxamad waa tuu hor dhigay nimay is haayeene,

Huuraale cali jaamacii haybad laga waayay,

Ee gumeysiguu hiranayow qaaday hugufkeede,

Aniguna mid heerkiisiyoo hunufahoo liita,

Oo shisheeyuhuu hebed ahaan haatan werinaaye,

Gabaybaan halgaad uga dhigaa kaa habaaw samaye,

Haruubkiina hoorsada tix baan soo hanqarinaaye,

 

Adoo hoofil weynle amaba hoolay madaxaada,

Habaarqabe mushrik hiiralow meel xun u hableeye.

Habartii hedeed gashee laga hadaaf siiyay,

Ee holonka nareed xagii loo hitiqinaayay,

Gumeysiga hormuudkiise jeer hadimo noo geysay,

Ee dhulkeeni hayb cadaw ka mida waa u hadiyaysay,

Haykaley hengeel dheerahoo lala hobshaynaayay,

Habeedleey  kuwiin elesebeed  hayrya qurunleydi,

Oo habeena meyd baridiyoo wada hunaaceysa,

Iyo gaala huuradu  ku taal oono hanaq goynay,

Keenyaatiga hanqalkoodiyo  heegta laga jeexay,

Oo mudda la soo  huurshayoo lagu hunqaacoodo,

Labadaba adigow hundhuray  oo u hamandhoore,

Oo sajuud ula hoganayay  waana la hubaaye,

mana helin hankaagi bukiyo hibishadaadiiye,

 

inkastoo hub muuqdiyo hantiba laguugu heeraaray,

heerki aad u baahneyd kolnaba howli ma ahaane,

,waa taa kuwaad hiil badday  gobal huleeleene,

Sababtana halaagaan badnaa lama hilmaamaane,

Oo hilibka koodaan wax badan habar dugaag siine,

Haraadiguna wuu tegi siday horay u sheegeene,

Oo admis halkaan joogi mee aan hurdo lahayne,

Anaguna hujuuun baan wadiyo haabashiyo layne,

Dalkana inaan  hana nabaan  ku hindisoonaaye,

Intiinii na hoosaasiyana laydin halakeeyo.

 

Intaa waa nukleer kagu hugmoo aad la holocdaaye,

Haatana bal aan howsar iyo hoobiyo cabbeeyo.

Oon kagu hawsiiyo si uu halacu kuu gaaro.

 

awrkii alaab lagu hilee lagu hayaansiiyo,

hanfigiyo kuleylaa wuxuu hamagle saanqaado,

wuxuu dhidid  habiiriqiya ee hura maqaarkiisu,

hadaan heeriga laga rogeyn waa hab dhihi jeere,

Murtadiina heerka ayay haatan marayaane,

 

Shareecada hulaan in ay geshaan amase haadaamo,

Oo hog ay ku aasaan ragii  hagar la’aan duulay,

Marki aan haryabaaninee hoor ka qubanaayay,

Haatufkii ku soo gaaray waa hooto iyo leebe,

Wadnahaada waa lagu hubaa inuu higleeyaaye,

Hamaansi hambariirsigii iyo hashqooqaagi,

Iyo illintii kaa hililiqleyd helay warkoodiiye,

Huq iyo intaan ciil ku baday sow ma hoyo waayin!

 

Intaa waa nukleer kagu hugmoo aad la holocdaaye,

Haatana bal aan howsar iyo hoobiyo cabbeeyo.

Oon kagu hawsiiyo si uu halacu kuu gaaro.

 

Nimay himiladii dheertoohoo Diin ku hiranaaye,

Oo jihaad u heenseeyayoo heegan weligiiya,

humbaaliyo hendedaada badan  waa ku hodonyaaye,

Oo iimaan horle bow kordhoo sii hinqinayaaye,

Waxaad caay la hoohaartay ee la haw haweyneysay,

Eed  faan la huufeysayee kuna haraadeysay,

Qubxigaad hurgufeysayee lana hinraagaysay,

Hagagiyo Hantaatici iyo weliba huu haadi

aad muddo ku howshootayee kuna hadaaqeysay,

Ciidankaadi ay soo hodeen  haatan la idleeye,

Hadalkii qaloocnaa war sow hoogay kama joogtid?

 

Intaa waa nukleer kagu hugmoo aad la holocdaaye,

Haatana bal aan howsar iyo hoobiyo cabbeeyo.

Oon kagu hawsiiyo si uu halacu kuu gaaro.

 

Askartaad hubeysiyo waxaad horimo  soo dhoobtay,

Ee gaas hadoodalin arlada hananafeynaayay,

Ee muslimka haaraamayay amase hiifaayay

Dimquraadina haamankiii furay higaagoodo,

Ee gabdhaha hanaan wacan iyo hooyo wada fuulay,

Ee ragnuu hunguryoonayay waa hab ay garane,

Ee Hanuun qofkii lagu maqlaba baas ku huginaayay,

Ee towxiid calan lagu hardhay kala haraaqsiiyay,

Ee habaas ku tuuroo guboo hilif xun weeyaan leh,

Inta lagula hiireystayoo maarta lagu hoobshay,

Miyaa haadka waray kufrigay hadaf wadaagaane!

 

Intaa waa nukleer kagu hugmoo aad la holocdaaye,

Haatana bal aan howsar iyo hoobiyo cabbeeyo.

Oon kagu hawsiiyo si uu halacu kuu gaaro.

 

Sidiisabaa hami waalan waa lagu hungoobaahe,

Howtal hamag hogtii uu qodow ku halwanaayaaye,

Naftii hafar hara iyo hiliyo helin biyood seege,

Markaabuu haraahiri intuu haaruf bixiyaaye,

Hanfadow qolaad hagi adigu  ama hogaamayso,

In ay horumar gaaraanu waa lama haweystaane

 Waana caadka oo hoos maroo ciid ku hilantaaye,

nimankii halyeey kuu qabaa  wada hagaasoobe,

Waa yagaa intey hoos dayeen haar ka baxayaaye,

Maxaa hanad la mooday doqon habisa waa yaabe!

 

Waxaa tiriyay Cabdullaahi soomaali

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maxaa Cusub
  • DHEGEYSO: GABAYGA NAFTII HAFAR OO U SAABSAN XASAN SHEEKH IYO JABKA CIIDANKIISA.June 12, 2024
  • Cabsi Alshabaab laga qabo miyaa Afka loo duubtay?December 3, 2021
  • Dhegeyso oo akhriyso Gabayga Af bullaacadDecember 3, 2021
  • Gabayga dib isu weydiiya?April 29, 2019
  • Gabayga qaldhac iyo qamanyoApril 29, 2019
  • Gabayga Galka Seefta Maan kala baxo iyo Abwaan Cabdulaahi Soomaali.December 10, 2017
  • GABAYGACAQIIDO. WAXAA TIRIYAY Cabdulaahi SoomaaliDecember 10, 2017
  • Kenyooy meydkaadu waa kaa maalin cad horteena yaalSeptember 24, 2016
  • Degdeg Shabaabka oo Caawa ka dagaalamaya Duleedka Muqdisho.December 1, 2013
  • Askar ka tirsan Dowladda Fedraalka oo qarax lagula beegsaday degmada Afgooye.December 1, 2013
  • R/Wasaare Saacid “Go’aan kasta oo lagaaro anigoo ka maqan Baarlamanka waa mid kudhisan dhalanteed oo aan sharci aheyn”December 1, 2013
  • Shabakadda Gobanimo.Net oo Hawada soo gashay.October 11, 2013
  • Hello world!September 19, 2013
© 2011-2012 Gobanimo Online . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .