• Home
    • Wararka
    • Wareysiyo
    • Arimaha bulshada
    • Suugaan
    • Taariikhda Islaamka
    • Nagala soo Xariir
  • DHEGEYSO: GABAYGA NAFTII HAFAR OO U SAABSAN XASAN SHEEKH IYO JABKA CIIDANKIISA.
  • Cabsi Alshabaab laga qabo miyaa Afka loo duubtay?
  • Dhegeyso oo akhriyso Gabayga Af bullaacad
  • Gabayga dib isu weydiiya?
  • Gabayga qaldhac iyo qamanyo
SOMALI LINKS

Dhegeyso oo akhriyso Gabayga Af bullaacad

December 3, 2021 - Written by admin - Edited byadmin

Gabayga Af bullaacad waxa uu ku saabsan yahay Dil loo geystay Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka aha sidoo kalena ahaa sirdoon dadka Muslimiinta ah Tacdiibaya kaasoo la oran jiray Cabdi Caziiz Afrika.
Maansada gunya baar rag baan loogu geli hayne,
oo gerkeeda soo hay jiroo kana gedmooneyne,
wax dhanbay gorfeeyeen murtada gucumadeediiye,
aniguna gadaashooda baan gaatamahayaaye,
aayar u gaardiya hayaa oon u gudayaaye,
balse garasho waw leeyahay godadka suugaante,
garoonkeeda waagaan imid goordhaw ma ahayne,
Hibaduu Allaah igu galaday waan gudbinayaaye,
Ganuunkiina hoorsada hadaan gaaxda shubayaaye.
Nin geeliisu uu gudhanyoo gegi cidlaa jooga,
Gaaja iyo haraadka wuxuu gubayo oo liico,
Gelinki dhexe habeenkii wuxuu galanceeyaaba,
Geeri go’an wuxuu geeyo aan cidi u soo guurin,
iyadoo gugu curayayoo galalka buux dhaafshay,
Kol umbaa intay goray dhashuu gaawa culayaaye,
Guubiskkeed intuu gowracoo uga gendaal saaro,
yuu gayaxsanaayaa ilaa tan iyo goor dheere,
goomanaanta baa uga hadhoo goolow noqoyaaye,
waxaan uga gol leeyahayna waa idin garwaaqsiine,
cadawgii ku guul guulayee gooyay boqontaada,
Garkiisiyo laawyiyo intaad goradda soo laabto,
oo weliba sii giijadee ganacu uu jeexmo,
Gujaxaduna ay kala ruqdoo galawda hoosteeda,
oo sidaa aduun uga galbado waa ged kuu danahe,
caro kagu garoortoo hadana gucasho sii reebtay,
gadaan dhabad haddii aad ahayd galaw la soo jeed ah,
garawso gogoshaaad lahayd yaad ku gama’daaye,
aniguna warkii iga gadmoo xalay i soo gaaray,
gaatiti dhacayoo hurdaan gooni la ahaayaday.
hadaan gunadda maansada furoo gobo’da kuu sheego,
Mooryaanki shareecada ka go’ay amaba gees qaaday,
ee kufriga garabkuu noqdiyo gacal walaalkiiye,
ee kibirka gaadada ka yaal gawnaxyada buuray,
wuxuu goodiyaa iyo wuxuu gooha badiyaaba,
oo xaqu inuu gebi dhaco geed walba u fuulo,
qorshiisi waa gaasirmoo wuu gabaabsiyaye,
mar haduu gunaanaday yiri oo la gobaleeyay,
Alleyhe sidaan goobayay weeye gelinkaane.
ma gamaaray gaalkii lahaa gibilka soomaali!
intaa waa gufaacada horiyo guddomi soofeyne,
waxa aan ku sii gaafayaa amase gaar joojin,
kol haddii dagaal aad gashoo gamaska aad qaado,
amaba gentaaliyo bam iyo gumac hilaacaaya,
Guradaada saartoo adoo geyfan dirireyso ,
Gegsibaa la yeeshaa rageed iyo go’aamaade,
in aad goor xun ooydaana waa fule geddiisiiye,
anagaba gamuun nagu dhacyay gooshkaan ka horoow’e,
god lagu janneeyaal ayaad gowrac mariseene,
Markaasaa iyagoo gamboon lagu dul geeraare,
guraabaasna muu xigin iyo weliba geesaase,
gowsahaan adkeynay qalbiga oo gil gilanaaye,
balse gaadaheeni markuu gaaray hadafkiisi,
kolki aanu aar gudanayoon guusha la hoyaadnay,
nimankii gungaar iyo la baxay geesi furun joog ah,
sida giraan wareegoo durba gelelefeeyeene,
hadday sahal ku goojina hayaan gebi ahaantoodba,
Gambooleyda baa dhaanta oo gaari mahayaane,
guguc iyo rasaas iyo kob ay gala ka yeereyso,
oo golxob koley tahay wadnaa layska gelinaayo,
bal maxaa guluf iyo colaad geliyay howshooda!
intaas waa garnaqsiga xigtii nala gudboonaaye,
xaqiiqada hadaan gororiyoon goynka ka higaadsho,
gocondhada ninkii kagu qasbaa gocosa weeyaan dheh,
ee geli afkaadee hadana gudubi dhuuntaada,
iyo kii gabraar kula jira ama u gaashaaane,
labadaa haddii adan geddiyin maba gaddoomaane,
in ay kaga gandoodaana waa dhaqan gumeysiiye,
Shisheeyaha nagu geylamee goosan hilibkeena,
iyo kii gabaad kula jiroon goorna laga waayin,
gedigoodba seefaha ayaan kula gedoodnaaye,
codkeygaan Islaanimo ku gurin kii la gola joogay,
Muslimanka gadaafey jiree cadawga guubaabshay,
sidaana gunna iyo ku helay goo’go lacageedba,
Gafanihi markii aan gubnoo sidii galey shiidmay,
qoladii gidaar kula jiray dhab u galaayuuse,
afbullaacad goortii la warey iyo gawdii yeedhay,
gariirkiyo cabsidii dhacdeey gii’da la hayaane,
iyagoo gashi weyn qaboo godobinuu taallo,
iyagoo gondeheen iyo gogan baruurteena,
oo dhiigeen ku goosaaranaa goor iyo ayaanba,
Baroortaan ka soo gudubtayu waa gunimo sheege,
geednugeylna weeyaan iyo meel xun gabayooxe,
illintaan ka guureysa oo gababaxeyneysa,
oo gosleyn ha loo dhiga galaan amase gaaweeto!
Garka sare markay gaaadhana gorof ku soo hoobsha,
gudbiya kolley adinku waa gadantihiin show’e
gudiyada xaquuqa iyo garac maraykaane,
ha loo geeyo waa in ay galshaan galal diiwaane,
gacan qabadna haybsada ileen kama gabowdaane.
gundhigii warkayga iyo geba gebeyntaydi,
Cid kastoo gabgableyn dan badi oo gab iyo goof ah,
goon dhabiyo gorof legedka baa lagu gig siiyaaye,
galaalati jeer loo geney gacan rogeysaaye,
micnahna hadaan kuu gingimo amase guud qaado,
Gurmadkeena qaarkii iyo gaasas baa maqane,
Gaaf wareegna may joojiyaan gaatan bahaleyne,
Gumucaala aar weeye oo mana gambaayaane,
Ilaa ay idin gaagtiraan waa gurxamayaane,
qoladiina geerida nacee iyo god loo qaado,
nin waliba halkuu geli lahaa ha u gawaan raaco.
Waxaa tiriyay Cabdullahi soomaali

Halkaan ka dhegeyso Gabayga Af bullaacad

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maxaa Cusub
  • DHEGEYSO: GABAYGA NAFTII HAFAR OO U SAABSAN XASAN SHEEKH IYO JABKA CIIDANKIISA.June 12, 2024
  • Cabsi Alshabaab laga qabo miyaa Afka loo duubtay?December 3, 2021
  • Dhegeyso oo akhriyso Gabayga Af bullaacadDecember 3, 2021
  • Gabayga dib isu weydiiya?April 29, 2019
  • Gabayga qaldhac iyo qamanyoApril 29, 2019
  • Gabayga Galka Seefta Maan kala baxo iyo Abwaan Cabdulaahi Soomaali.December 10, 2017
  • GABAYGACAQIIDO. WAXAA TIRIYAY Cabdulaahi SoomaaliDecember 10, 2017
  • Kenyooy meydkaadu waa kaa maalin cad horteena yaalSeptember 24, 2016
  • Degdeg Shabaabka oo Caawa ka dagaalamaya Duleedka Muqdisho.December 1, 2013
  • Askar ka tirsan Dowladda Fedraalka oo qarax lagula beegsaday degmada Afgooye.December 1, 2013
  • R/Wasaare Saacid “Go’aan kasta oo lagaaro anigoo ka maqan Baarlamanka waa mid kudhisan dhalanteed oo aan sharci aheyn”December 1, 2013
  • Shabakadda Gobanimo.Net oo Hawada soo gashay.October 11, 2013
  • Hello world!September 19, 2013
© 2011-2012 Gobanimo Online . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .