gabaygaan waxaa tiriyay cabdulaahi soomaali wuxuuna kaga hadlayaa qaybo badan sida gumeysi raaca, dadka shaatiga shacabnimo gashaday ee ka tegay waajibaadkii allaah saaray iyo arimo kale qaybaha u dambeeyana waa dhiiri gelin.
gabaygu wuxuu soo baxay sanadii hore wuxuuna si buuxda u sawiriyaa waaqici waanta lagu jiro oo ay muhiim thaay in dadka muslimiinta ah aad ugu baraarugaan.
Marka qoran la dheelmaayo ee qaawo marineyso,
uugada waxaa loo qaddimi qaar gadaal jira’e,
mabda’aada ood qeexdo waa qayla dhaan runahe,
qabarkaada faafaa dad buu quwad geleyaaye,
qadafkiyo xumaatada kuwii qira u yeelaayay,
qalqal iyo qamuunyuu ku ridi iyo qilaafaade,
qarsinkoodu wuu daadiyaa qaybti uu wadaye,
gabayada qaraab kuma jersho aan qulqulayaaye,
inaan qayir ka reer ugu didshaan ugu qudbeeyaaye
bal qabsoo qorshahaa ogow waa qiddiyo xeele.
qismagaa intuu qoomanay qayba yuu lumine,
aduunyadaan qaskeeda batiyo qaalma rogadkeede,
inyar baana qaabkeeda dhaba qaadir fahansiiye,
qisa kalena aan wariye ee qalin ku miisaama.
nin qatalay naftiisi tu kale waa qaribayaaye,
xaajadii qarqaar mari durbaba waa qalibayaaye,
sida qadaw hal dooneysayoo qaawgu dalanbaabshay,
gebigeedba laga quusayoo waa qal dhigataaye,
nin qowsaarka gaaladu u yahay qaadum waa ba’ay,
qobor lagu ridyaa iyo bir weyn lagu qaraacyaaba,
qoora laga tunyaa iyo cirbadu lagu qacsiiyaaba,
sida qalanja naageed asiga lagu qardeeyaaba,
baybalkiyo quraafaadka jaan lagu qaloomshaama,
dhibaatada qandaceeda wuu qaayibaha hayaaye,
intaan lagu qabanin hadaad qoomi kari weydo,
cadawuhu inuu kagu qaxweyn geli qaluubtaada.
qismagaa intuu qoomanay qayba yuu lumine,
aduunyadaan qaskeeda batiyo qaalma rogadkeede,
inyar baana qaabkeeda dhaba qaadir fahansiiye,
qisa kalena aan wariye ee qalin ku miisaama.
murtadnimo qayaxan ragbaa qaaq la dhahayaaye,
waxa ay qiraayaan inuu gaal ka qabbaansada’e,
sidii qaalin uu laylyaduu ugu qaraabtaaye,
qaldhac iyo qamaanyuu ku xiray oo ku qoofalane,
qalbigoodu wow nugul yahay qowlkow oranaaye
mana qoonsadaanee dhabbey ugu qashuucaane,
waxay nagu qasbaayaanu waa qodobadiisiiye,
ninki qaaada waayay rasaas kula qamaamaane,
qur’aankiyo sunaday harkii qada ku iibshaane,
adikuna qalfoof inaad tihiin qayrka laga ooday,
cadawgaa qitaal kuma dishaan mana qur goysaane,
cagsigeeda qaaraanka waad ula qableysaane,
iga qora in aad qaabisheen qolo yahudeysan,
iga qora qabiilbaa barkiin ugu qidmeeyaaye,
iga qora sun baad qooshateen ood qur qurisaane,
iga qora inay qaafilnimo qoolka idin geysay,
iga qora qaraarada kufriga waad ku qanacdeene.
iga qora waxaa idin qalalay meeshi qoyaneede.
qismagaa intuu qoomanay qayba yuu lumine,
aduunyadaan qaskeeda batiyo qaalma rogadkeede,
inyar baana qaabkeeda dhaba qaadir fahansiiye,
qisa kalena aan wariye ee qalin ku miisaama.
qamiis iyo adoo mara qurxoon qaab u xiran fiican,
qajil aawadii meeshi aad qoobka dhigi weydo,
qaawanaan qofbaa tiigsadoo qayd la’aan mara’e
anagoo qori qaadaniyo qaanso iyo leebab,
yaan sidii ineynaan wax qaban laabtu qulubtaaye,
ha yeesheese qayb aan kufriga qaadda uga joogsan,
baa qosolya sheekaba harkii la qix qixeeyaaye,
nimuu qayl ka roon yahay muxuu qolo u sheekeyey!
qismagaa intuu qoomanay qayba yuu lumine,
aduunyadaan qaskeeda batiyo qaalma rogadkeede,
inyar baana qaabkeeda dhaba qaadir fahansiiye,
qisa kalena aan wariye ee qalin ku miisaama.
shacabnimo dadkaa lagu qafilay ee la qamandhuura,
oo jihaadka qoonsana hayee qowlalada buura,
qasad loo abuuriyo ma garan qaanta ay geliye,
in qayaama uu suga hayiyo qalin xisaabeedba,
qorshahooda waanay ka darin una qandiireyne,
shareecada ma qooraansadaan qaabka ay fariye,
qarawbay ku laystaan waqtigii loo qoroo idile,
yowmul qoofka qoomkaasi guud waa qarracanyaaye,
qoomamaa sugee iyo in ay wada qalaadaane,
qaymihii qoladaa lunshee qiira laga waayay,
rayadnimana qaaliga la tahay goortaan lays qalayo,
halka ay qandoodaanu waa qar iyo booraane,
qoor iyo ninkii xera lahow qaada taladeyda,
qashinkaa adoo dahab qumana inaad dhex qoomaarto,
waxaan kuu qalmeyn iyo waa howl qasaara ahe,
adoo qaaya weynoo ka dhigan qaafo iyo guurti,
qambaruurka meel xumi wuxuu qubi wanagaaye,
iyadoon qarsoodiyo ku jirin maad qun uga luuddo?
qalcadiyo ma waad qaada karin qalab kaloo ciidan?
miyaadaan qorshey karin inaad qar iyo buur fuusho,
qanrar xabagsataa iyo fullaay qalaw ku yaalaaba,
qaloon dubataayaa iyo burduug qul ku shubataaba,
carmo iyo quwaax iyo qamboob quud ka dhigataaba,
wax uun qaaja kaa dila markaad qalamsatoo ruugto,
gumeysiga na soo qoomay maad qaashka kala daasho?
qamta iyo qacda iyo qucdiyo qaraxa oon joogsan,
qamcin iyo kuleyl buu ku tegi qiic ku ololaaye,
qooq iyo naxlaa keenayee waa qabjabayaaye,
qasnadaha wixii kuugu jiray maad qalkuu geliso?
qaaxadiyo qadaadada iyo qoorta jirideeda,
iyo qanaanta qaybteeda kore maad ka qabadsiiso?
Waxaa tiriyay cabdullaahi soomaali