• Home
    • Wararka
    • Wareysiyo
    • Arimaha bulshada
    • Suugaan
    • Taariikhda Islaamka
    • Nagala soo Xariir
  • DHEGEYSO: GABAYGA NAFTII HAFAR OO U SAABSAN XASAN SHEEKH IYO JABKA CIIDANKIISA.
  • Cabsi Alshabaab laga qabo miyaa Afka loo duubtay?
  • Dhegeyso oo akhriyso Gabayga Af bullaacad
  • Gabayga dib isu weydiiya?
  • Gabayga qaldhac iyo qamanyo
SOMALI LINKS

R/Wasaare Saacid “Go’aan kasta oo lagaaro anigoo ka maqan Baarlamanka waa mid kudhisan dhalanteed oo aan sharci aheyn”

December 1, 2013 - Written by admin - Edited byadmin

mjTWqWasiirka Koowaad ee DF-ka ayaa goordhaw oo galabta ah soo gaba gabeeyay shir Jaraa’id oo markii ugu horreysay uu uga hadlay khilaafka kala dhaxeeyo Xasan Gurguurte marka laga reebo in Warsaxaafadeedyo uu soo saari jiray.

Saacid Shirdoon wuxuu waxbana kama jiraan kasoo qaaday mooshinka ka dhanka ah xukuumaddiisa ee Baarlamanka DF-ka ah maanta ka doodeen wuxuu ugu baaqay guddoonka baarlamanka in ay ka fogaadaan wax walba oo dhaawici kara wax uu ugu yeeray qaranimada dalka.

Shirkiisa Jaraa’id ayuu kusoo hadal qaaday wixii maanta ka dhacay hoolka shirarka baarlamanka wuxuuna sheegay in ay yihiin nasiib darro lagu baalmarayo sharciga gacan ku sameyska ah ee Mahiga u dajiyay Dowladda Federaalka.

” Si waafaqsan cadaaladda dabiicigaa (Natural Justice) iyo shuruucda dalkaba – waxaa xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda”ayuu yiri Saacid Shirdoon.

Shirdoon marnaba sooma hadal qaadin arrinta Xasan Gurguurte balse wuxuu muujinayay in mooshinka ka dhanka ah xukuumaddiisa uu yahay mid lasoo abaabulay,”Go’aan kasta oo lagaaro anigoo ka maqan Baarlamanka waa mid kudhisan dhalanteed oo aan sharci aheyn”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shirdoon.

Dhawaqa kasoo yeeray R/wasaaraha ayaa umuuqda mid uu isaga yareynayo cadaadis siyaasadeed ee saaran,dadka falanqeeya arrimaha DF-ka ayaa sheegaya in tani tahay rafashadii ugu dambeysay oo uu ku dhaqaaqayo Mas’uul saacadihii ugu dambeeyay ee xilkiisa haya.

Marka loo kuurgalo lacagaha kumanaanka dollar ah ee Karaaniyaasha Xasan Gurguurte ladhax wareegayaan xildhibaanada iyo abaabulka socda waxay u egtahay in Shirdoon uu daaqadda ka baxayo waqti aan dheerayn waxaana lays weydiin doonaa goorma ayay Q.Midoobe iyo Midowga Yurub Eryi doonaan Xasan Sheekh iyagoo ku eedaynaya “Musuq-maasuq iyo wax isdaba marin”,si lamid ah wixii ku dhacay Shariif Sheekh Axmed oo isagoo la nacladayo xilka ka degay.

 

Xigasho : SomaliMeMo.Net

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maxaa Cusub
  • DHEGEYSO: GABAYGA NAFTII HAFAR OO U SAABSAN XASAN SHEEKH IYO JABKA CIIDANKIISA.June 12, 2024
  • Cabsi Alshabaab laga qabo miyaa Afka loo duubtay?December 3, 2021
  • Dhegeyso oo akhriyso Gabayga Af bullaacadDecember 3, 2021
  • Gabayga dib isu weydiiya?April 29, 2019
  • Gabayga qaldhac iyo qamanyoApril 29, 2019
  • Gabayga Galka Seefta Maan kala baxo iyo Abwaan Cabdulaahi Soomaali.December 10, 2017
  • GABAYGACAQIIDO. WAXAA TIRIYAY Cabdulaahi SoomaaliDecember 10, 2017
  • Kenyooy meydkaadu waa kaa maalin cad horteena yaalSeptember 24, 2016
  • Degdeg Shabaabka oo Caawa ka dagaalamaya Duleedka Muqdisho.December 1, 2013
  • Askar ka tirsan Dowladda Fedraalka oo qarax lagula beegsaday degmada Afgooye.December 1, 2013
  • R/Wasaare Saacid “Go’aan kasta oo lagaaro anigoo ka maqan Baarlamanka waa mid kudhisan dhalanteed oo aan sharci aheyn”December 1, 2013
  • Shabakadda Gobanimo.Net oo Hawada soo gashay.October 11, 2013
  • Hello world!September 19, 2013
© 2011-2012 Gobanimo Online . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .