Qaraxan oo ahaa miinada dhulka aaso ayaa waxay la kacday gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen Askar iyo Sarakaiil ka tirsan Dowladda Fedraalka, iyadoo wararka horudhaca ah ay sheegayaan in qaraxa ay ku nafwaayeen 8 Askari.
Ciidamada Dowladda Fedraalka ayaa dhinacyada u furay rasaas xooggan qaraxa kadib, waxeyna qab qabteen tiro dad ah, kuwaas oo la dhigay xabsiga dhexe ee degmada Afgooye.
Qaraxyada iyo dagaallada ayaa joogto ka ah deegaanada ay ku suganyihiin Ciidamada Dowladda Fedraalka, waxaana ugu daran magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceen qaraxyo habeen iyo maalin ah.