Maansadaan waxay si qoto dheer uga waramaayaasaa xaaladda maanta soomaalidu mareyso iyo sida ay aayaheedu u ilowsan tahay iyo sida qaarkood danaha shisheeye u oofiyaan.
Gabaygaan la yiraahdo dib isu weydiiya oo cabdulaahi soomaali tiriyay sanadii hore waxaa ku jira baraarujin la xariirta in hurdada laga kaco oo aan aan sidaan lagu aakhiran
Nimanyahow dabuub gabay hadaan fura dubaaqayga,
dadka gobal siday door badeen waan ka dacaroone,
dembiyaday gelaayaan iyo dogobadii naarta,
duunka kuma hayaanoo is iri laga dahsooneeye,
soomaalidu inta ay degaan iyo duleedkooda,
dab islaam halkii laga shidiyo diinta wixii haysta,
doobab iyo duqow iyo da’ kale badi dufoobeene,
dandariyo dacadiga la baday kamey dubaaxoone,
dullinimo darkeeedi rag baa diriqsanaayaaye,
marki aan ka deyriyayna way daaca qurumeene,
anayba igu diimaayaan ooy duraayaane,
haba ay dilqaanee waxaa iiga daran taana,
haddii dabada loo xaydo oo derin la jiifsiiyo,
oo dumar sidii loo galmado way dabbaal degiye,
waxay doonayaanooy rabaan dib u isu waydiiya?
qalbiyada dix yeeshay iyo daxashiyo cawska,
dadka ay ku yaalaan ayaa diinta nacayaaye,
shareecada dastuuraan ahayn waa dembiya ceebe,
ninkastoo dadaalkii wadana waan u digayaaye,
daganti hadii aan ku helo waan del delayaaye,
waxyigii allaah soo dejey nimanka deel qaaf leh,
dimuquraadinuu dhimanayanayoo daabad ugu jooga,
darteedana dagaalkuu galaa la isku dooxaayo,
waxay doonayaanooy rabaan dib isu weydiiya?
dulaalkiyo daba qoodhigiyo daanaqiyo tuugga,
dabbaalkiyo damiinkiyo doxor dowdar iyo qaa’in,
daalla uurka diir iyo caqliba maray duleedkooda,
dufan goob doqonimo la tahay dowladnimo gaara
degelkeena waa laga helaa doog iyo abaare,
kuwa duuubab ku soo xiree derajaduu dhiibay,
oo ciidankiisugu duway deeqta iyo maalka,
waxayd doonayaanooy rabaan dib isu weydiiya?
anagoo macluul daalan oo diifu raagtay,
anagoo dariiqyada dhexnaal oo darxuma riina,
anagoo dewersiga barkeen dibaduhuu dhoofay,
dalambaabigeenana nafluu wada dareemaayo,
daqligii yaraa meeshi uu nooga soo duxayay,
dekedaa maxaa loo bixiyay dib isu weydiiya?
nimaaad diin wadaagtaanu waa daqayaadaadiiye,
waana duudka dheer iyo lafaa aad ku durugtaaye,
ha yeeshee qolo duufsan oo diidaya islaamka,
oo ibliisku doontuu wadoo diilimo u yeelay,
dub caddiyo iyo madoow gaaladaan nagu dul meegaaran,
waxay doonayaanooy rabaan dib isu weydiiya?
odagii dar daaran ka dhigay ficil dadkii yaabay,
mid waliba ulabuu u diray doorarkuu dhalaye,
durbaba miduu yiri tu jebi deedna kala haaddee,
sadax kale dariiqii la mari jeer dayaaye,
inti kale isku duubyayoo daaqadna u waaye,
dulucdiyo ujeedada hadaan idin dareensiiyo,
midnimadaa lagu daaqayaa maanta dunidaane,
iyadaa qoladii dayaca dib u shalaayaane,
iyadaa xaqii kaa dibadda lagu damoodaaye,
iyadaa nin duulaan ku yimi lagu doc gooyaa’e,
iyadaa daruus loogu dhigi duul is mahadshaaye,
iyadaa difaac adagiyo deyr la xoojiyaye,
yurubtaa isku daabane ul iyo diirkeede,
dir wadaag iyagoon ahayn danu walaaleyse,
maraykaanka dooddin iyo doobbin laga yaabay,
asba waa wax laysu dumiyo duulalka kala jaade,
qoladii kala daadsan waa duunyo nimaneede,
fedeeraalku waa duumiyo furuqya daacuune,
soomaalida inay kala diraan qolada diiwaanshay,
docfaruurka ay nagu hayaan diida waa hore’e,
waxay doonayaanooy rabaan dib isu weydiiya?
dakanadu ma duugowda uu daalim falayaaye,
hadaan layska daaweynin waa laysu dilayaaye,
daqarada galbeed igu dhigay waan damqanayaaye,
danaanadey dariskuu fidsheen teerya deben waa’ah,
haatanay ku sii dara hayaan waan dibbirayaaye,
waagi soo dilaacaba kufrigu ways dacminayaaye,
had waliba dubbuu nala dhacaa nooga darayaaye,
dabaabaadka guuxaaayabuu nagu duqeeyaaye,
diyaaraad is gaabinahayaa nagu damsiiyaaye,
daldalooladay naga helaan daar ma geliyaane,
wax ka sii daraaya umbay dalaq ku siiyaane,
dhawakh iyo xanuunbaa wadnuu nala dikaamaaye,
dayeysnaantaan waan looga bixin doodda keligeede,
hadaanaanu daad xoor ahayn amasa duuf hooray
dugsi baa jihaad lagu helaa labada daaroode,
dibin ruuggu waa nagu batee noo dab gura haatan.
deyr dhalkiyo horweynkeed anoo dalab ku heesaaya,
iyadoo danuunaca wadiyo aayar damagleynta,
iyadoo dureertoo dhamaan daawga wada haysa,
iyadoo dhul deegaanahoo dahan u foofeysa,
nirgeheeda oo duda hayoo dacaladii dhuubay,
ina daawadoo guuxayoo doobbadii ridaya,
tebiskoo isku deyrayoo doonaya abaahin,
ninki iga dareersaday inaan dila garweeyaane,
mar haddii dulliyo dooxa iyo deex la iga boobay,
dumbukhyada intaan qaato oo daasadda u buuxsho,
darmaankaan u heenseynayaa dooxatiyo leyne,
nimaadaan dabar sii lahayn uu ku dacayeysto,
dahabkiyo hadduu kaa gurto weliba diinaarka,
asoo daabulaayaa rasaas lagu duleelshaaye,
dugsi baa jihaad lagu helaa labada daaroode,
dibin ruuggu waa nagu batee noo dab gura haatan.
Waxaa tiriyay cabdulaahi soomaali