• Home
    • Wararka
    • Wareysiyo
    • Arimaha bulshada
    • Suugaan
    • Taariikhda Islaamka
    • Nagala soo Xariir
  • DHEGEYSO: GABAYGA NAFTII HAFAR OO U SAABSAN XASAN SHEEKH IYO JABKA CIIDANKIISA.
  • Cabsi Alshabaab laga qabo miyaa Afka loo duubtay?
  • Dhegeyso oo akhriyso Gabayga Af bullaacad
  • Gabayga dib isu weydiiya?
  • Gabayga qaldhac iyo qamanyo
SOMALI LINKS

GABAYGACAQIIDO. WAXAA TIRIYAY Cabdulaahi Soomaali

December 10, 2017 - Written by admin - Edited byadmin

gabaygaan caqiido la yiraahdo  waxaa curiyay cabdulaahi soomaali horaantii bishii kow iyo tobnaad ee 2017 waxaanuu ugu jawaabayay madaxweynaha dowladda federaalka ah maxamed cabdulaahi farmaajo oo sheegay in in ciidanka dowladiisu aanay caqiido ama mabda lahayn.

farmaajo waxa geesta kale uu qiray in ciidamada alshabaab oo iyaga iyo shisheeyaha dagaal kula jira caqiido leeyihiin, ayna aaminsan yihiin haddii howsha ay ku jiraan ay ku geeriyoodaan in ay janno geleyaan.

gabaygaan waxa farmaajo lagu weydiinayaa su’aal jawaabteedu ku cuslaa karto ah oo ah sidee nin aan caqiido lahayn cadawgiisa uga adkaanayaa?

Nimanyahow sidaan curanahaan cuufta gurayaaye,
Cirsan yeerku gooruu ciyaan caadka dhuganaaye,
Curdun gabayahaa igu cajalan oon cuf ula aalle,
Balaan curiya oo meeriyoo caynka ka higaadsho.

Cunsurii farmaajoow adaan caafimaad qabine,
Caa’iliyo sidii aad tihiin duul cashiira ahba,
Kufrigaa cirif dheer jira waxaad la coomaarto
Carrigaan aan joogniyo dhulkey culus inoo daaqdo,
Coomaadaha sidiisii adaa caal soo lulaye,
Kuwii ceyr ku sii jiray iyo calalla feereysan,
Yaa cawaaqibkaa lumiyayoo kagu ciyaareene
Camiilow adaa meel cakirin cood ka dayaaye,
Adoo cowski loo jeedaba caarad waran mooda,
Halkaad calaf u soo doontay waa cirid kuleyl weyne,
Hadaad caga gubyoonee sidaad ciidan hogaamin?
Ama caaradkuu wedi ileyn waad cidoodiyi’e?

Su’aalahaa culuumbay sidaan aad cibir weyne,
Hayeeshee ra’yi coonku waa ku cuqdadoobaaye,
ha caburo cantalyaagu waa ehel caloolyow’e.

Ninka ceel ku sii dhacahayee cabashadii yeeri
Ee cirkaa inuu mara hayo ku calwasaadaaye,
Caalle iyo inuu nacas yahuu caaqil garayaaye,
Weligii calmaaniga ayaan caymasho lahayne,
Qoladuu u caynaan hayaa waa cadibantaaye,
candha maran canug aadayaan caano ku arkeyne,
Kuwi shalayto kuu calan luxee ciira kicinaayay,
Iney maanta kaa caajiseen caalamku ogaaye,
ceeryaamada intii roob lahayd cabe xareedeedi.

 

intaasi cigaalkuu xiroo caynka u adkeeye,
cutub kalena waa marinayaa cowra helow,e,
Fikradaha ciniinkaa dadbaa lagu calaaleeye,
Maskaxdiisu kay cilintahaa lagu cubaayaaye,
Cuduraduu ka qaadee xunuu caac la dhahaaye,
Cashi baana goortaa ka dhalan caabuq iyo hooge,
Calaamadaha gaalnimo adoo caawda kula jiifa,
Dimuquraadinuu culan hayoo nagu caraadaaye,
Muslinimo carrabkaa inaad ciirsi badi haatan,
ood laba codleysaahu waa kuu cawaanimo’e,
Ciidankiisa qowl duminayow caaqu wariyaaye,
Colkaagi inuu guuldariyo ceyd ka bixi waayay,
anaguna an caadkiyo hawada sii cag dhiganeyno,
adigaa cadeyntii hayoo noola soo ciyaye,
ninki calalla uus kaashadaa caynku go’ayaaye.
Caku iyo waxaa lagu hubaa inuu cargaagaaye,
farmaajoow calaacaliddu waa caado doqomeede,
Caqiidiyo nimaan diin lahayn calaqa mooyaane,
Cadawgii sidee uga adkaan waan cajabeyaaye?

 

Ninka cudud shisheeye noqdaan kuu cabirayaaye,
Cunna iyo sigaar xil buu caashaq u hayaaye,
Cammar iyo ayaxaba ka daran aan citimiheyne,
Calooshiisu may buuxsantee wayska cunayaaye,
Cizi iyo sharaf uma bukee waa ka cararaaye,
Wixi ceeba oo idili waa camaladiisiye,
Ciqaab iyo cabiid kama baxoo amase ciishoode,
Gaaladow cadaan iyo madow caabudaha hayaaye,
Carmal iyo cajuusiyo middii caawa la aroosay,
Tii calool ku soo qaadayee caana ugu deeqday,
Iyo cadar walaashii ahoo sidi cillaan miida,
Hablihii u caawiyi lahaa caadi ugu geeye,
Cabaadkoodu wow farax iyo iney cataabaane,
Ficilada calaanyada iyo caalir dhalinaaye
Cimrigii go’ waa lagu yaqaan caada qaadaha’e,
Ciidankiisa qowl duminayow caaqu wariyaaye,
Colkaagi inuu guuldariyo ceyd ka bixi waayay,
anaguna an caadkiyo hawada sii cag dhiganeyno,
adigaa cadeyntii hayoo noola soo ciyaye,
ninki calalla uus kaashadaa caynku go’ayaaye.
Caku iyo waxaa lagu hubaa inuu cargaagaaye,
farmaajoow calaacaliddu waa caado doqomeede,
Caqiidiyo nimaan diin lahayn calaqa mooyaane,
Cadawgii sidee uga adkaan waan cajabeyaaye?

 

cadaabtuu gelaayaa qofkii caasi noqodaaye,
Xuural ceyn cishqigeed ragbuu caawo gubayaaye,
Cibaadada jihaadkey si dhaba ugu cagaagaane,
Aduunkaa cariiri la e iyo culeysweyne,
Janadii caziizkey rabaan inay ka ceeshaane,
Caadilkey ninkii magan galaa cudud sareeyaaye,
Asigaan la caabiyi kareyn oo cartamayaaye,
Sida aar carun iyo wuxuu calalsha doonaaya,
Oo soo ciyaayaa nafluu uga cabsoodaaye
Shareecada midkii ciid dhigaa ama cilleynaaya,
Gumeysiga umuu ceegsanee weyska celiyaaye
Intow qori cabeystuu dagaal ugu carraabaaye,
ninki loo cimaamaday inuu cunaha kaa gooyo,
in codkaadu uu weeciyoo adiga kaa caagi,
cindi gaab hadaad tahay,naflaa waad u curisaaye,
Alshbaab caw caw kama didaan lagu cabeebtaaye,
Ceesaantii shabeel doonataa lagu casheeyaaye,
show belaad cantuugtee adoo cirid dameeraadle,
calyadaad tufeysaa dibbey kuu carqaladeyne,
caaneheeda waad dhami iyaga oo car iyo dhiigle,
Ciidankiisa qowl duminayow caaqu wariyaaye,
Colkaagi inuu guuldariyo ceyd ka bixi waayay,
anaguna an caadkiyo hawada sii cag dhiganeyno,
adigaa cadeyntii hayoo noola soo ciyaye,
ninki calalla uus kaashadaa caynku go’ayaaye,
Caku iyo waxaa lagu hubaa inuu cargaagaaye,
farmaajoow calaacaliddu waa caado doqomeede,
Caqiidiyo nimaan diin lahayn calaqa mooyaane,
Cadawgii sidee uga adkaan waan cajabeyaaye?

 

waxa tiriyay cabdulaahi soomaali

 

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maxaa Cusub
  • DHEGEYSO: GABAYGA NAFTII HAFAR OO U SAABSAN XASAN SHEEKH IYO JABKA CIIDANKIISA.June 12, 2024
  • Cabsi Alshabaab laga qabo miyaa Afka loo duubtay?December 3, 2021
  • Dhegeyso oo akhriyso Gabayga Af bullaacadDecember 3, 2021
  • Gabayga dib isu weydiiya?April 29, 2019
  • Gabayga qaldhac iyo qamanyoApril 29, 2019
  • Gabayga Galka Seefta Maan kala baxo iyo Abwaan Cabdulaahi Soomaali.December 10, 2017
  • GABAYGACAQIIDO. WAXAA TIRIYAY Cabdulaahi SoomaaliDecember 10, 2017
  • Kenyooy meydkaadu waa kaa maalin cad horteena yaalSeptember 24, 2016
  • Degdeg Shabaabka oo Caawa ka dagaalamaya Duleedka Muqdisho.December 1, 2013
  • Askar ka tirsan Dowladda Fedraalka oo qarax lagula beegsaday degmada Afgooye.December 1, 2013
  • R/Wasaare Saacid “Go’aan kasta oo lagaaro anigoo ka maqan Baarlamanka waa mid kudhisan dhalanteed oo aan sharci aheyn”December 1, 2013
  • Shabakadda Gobanimo.Net oo Hawada soo gashay.October 11, 2013
  • Hello world!September 19, 2013
© 2011-2012 Gobanimo Online . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .