• Home
    • Wararka
    • Wareysiyo
    • Arimaha bulshada
    • Suugaan
    • Taariikhda Islaamka
    • Nagala soo Xariir
  • DHEGEYSO: GABAYGA NAFTII HAFAR OO U SAABSAN XASAN SHEEKH IYO JABKA CIIDANKIISA.
  • Cabsi Alshabaab laga qabo miyaa Afka loo duubtay?
  • Dhegeyso oo akhriyso Gabayga Af bullaacad
  • Gabayga dib isu weydiiya?
  • Gabayga qaldhac iyo qamanyo
SOMALI LINKS

Gabayga Galka Seefta Maan kala baxo iyo Abwaan Cabdulaahi Soomaali.

December 10, 2017 - Written by admin - Edited byadmin

Gabaygaan galka seefta maan kala baxo oo soo baxay sanadka 2017 waxaana abwaanku kaga hadlayaa gumeysi dalku ku jiro, dadka aan ka gil gilaneyn shsiheeyaha ku habsaday iyo in loo baahan yahay in la jihaado.

Seyidkii anoon gaari heyn gabay aqoontiisa,
Godadkiisinaan degi kareyn amase gaarkooda,
Gerbaduu ka soo lalin ogaa aniga oon gaarin,
Aan gufeeyo goobtaan banaan ee gelgelimowday,
Oon garan gar meegaara oo geedka sare waabo,

gamaankana an heenseeye ee gaaxda iga maala.

 

Maah maahyo guunaa jirtoo aad u guda weyne,
Midadaan wax goynayninee guriga uun taalla,
Marka neefku geesaa dhigtee uu gal galad keeno,
Geeriduna qarka joogta baad kula gadaaftaaye,
Ha yeeshee in aad gowracdaa hal waa hal soo guraye,
Wixii aad is giijado amaad kula galoolnaato,
Adoo ciilku gaadada iyo gownaxyada buuxshay,
Oo gacmuu ku daaleen miyaad gaar isaga xoortay!.
Qalbigiisu kuu guran yahee gorofehee liita,
Een garaad bartii loo ogeyn lagana goobeynin,
Gurracane gar aan qaada hayn oysan geli haynin,
Gurmad iyo gar gaar iyo marbaad garab ka dhowrtaa’e,
Gacal iyo islaam baa nahaad kula dul goohdaaye,
Ha yeeshee ganuun meren ninkaa gororshay sow maahid!.
Geed nugeylka baa igu batiyo goosay taag daran’e,
Gunray iyo gondod baan arkaa goor iyo ayaane,
Saleemacaan gabaad adag lahayn godina daabeyne,
Maraayguuna goobtuu ku yaal waanan garaneyne,
Ha yeeshee ninkii geel ka lumo gorayda uu maalo,
Inuu gorofka raadshaan maqloow geda gedeeyaaye,
Aniguna geddiisaan ahay kaa guhaadsamay’e,
Waxa aan la goohaayo ee aan la gubanaayo,
Micnahooda guud baan hadeer soo gudbinayaaye,
Gocor iyo genatiyo gun iy iyo gowso bahaleyba.
Wax imaanku uu go’anyahoo gaasiraa badane,
Doqon baan galiin ugu tegoon geysh noqdooy iriye,
Ha yeesheese guubaabadii kuma galiilyoone,
Iyadoo lagu goobanyey giirka togi hayne,
Dadnimada intii loo gingimay waan gol maray show’e.

Intaasi gigtii hore iyo gumacyadeydii dheh,
Guguc iyo hilaac baxay iyo galalacdiisii dheh,
Murti igu gahaareyd iyo guluulaceygii dheh,
Gobo kalena wa iga tanee garawga iidaanta.
Gumeysiga hadaan kuu fasiro oon ku garansiiyo,
waa inuu geyigaad lahayd geba gebeyaaye,
waa inuu gujuxada iyo garab ku wiiqaaye,
waa inuu ku goo’gooya oo gobalo kuu qeybsho,
waa inuu gurboodkiyo qalaa gabanayaadiiye,
waa inuu gablan kaa dhigee kagu gedeeyaaye,
waa in gaaridaadi nin kale gogol la jiiftaaye,
waa inuu garac iyo nijaas ugu garaarshaaye,
waa inuu gashaantida legdee gudub u laacaaye,
waa in dhiig gaduud badanlahu galalaceeyaaye,
waa inuu gerweyn kula dhacaa iyo garruun jaane,
waa inuu gardaadkiyo wadnaa gamas ku riixaaye,
waa inuu garadiyo lo’diyo geela wadayaaye,
gobanimo siyaadaan u helin amase guul waarta,
waa inuu askar gaaniyo gaasas kagu meersho,
waa inuu ku guul guula oo ganafka taagaaye,
waa inuu go’aad hugatiyo guriga baaraaye,
waa inuu gumaarkiyo guntiga hoos u gudubyaaye,
oo gacanta saaraa waxaad gaar u qarisaaye.
Intaasi xog aan kuu guntiyo gocashadeydii dheh,
godobtiyo gashi iyo dhibkii lay garaariyay dheh,
gad gadoon wixii igu ridiyo gama’la’aantii dheh,
Garbaduub nin loo xiray xaqiiq uu gudbinayaa dheh,
in kaleena gaawa u dhigo waan godlanayaaye.

guubiska hashaan laga dilay ee candhada giigsan,
ee ganuunka loo cula hayee guube dhinacyaalo,
anoo gooman gaal inuu lisaa waa gunimadeeye,
Gumumaale aar iyo dhuley gooshu miraneyso,
Oo good iyo abeesale iyo weliba goodaado,
Gugumiyo abris gaabana loogu geli waayay,
Maroodiga kobtuu geylimee gees waliba joogo,
Yeyduna gadaal iyo horaba ay isaga gooshi,
Shabeelkuna gabraarana hayee haramcad geeraaro,
Dhidir gununufeeyiyo wiyil galab carraabeysa,
Gaduudana gambaayiyo dhurwaa gabadinloo weera
geri iyo goray iyo haldhaa goodir iyo deero,
Biciid geesa waaweyn iyo hoyga gara nuugta
Lo’ gesidu galka ay dhici iyo golaha ay daaqdo,
Gorgorkiyo galeyrkiyo halkey gabas dhebee haaddu,
Galawguna dhawaaqaayo ee gii’da laga yaabay,
Xoriyada ninkii goobayaa waa u gurigiiye,
Asigoo gentaalaa siduu golol dhex qaadaaye,
Gocondhaduna wow saandalkii uu gasha lahaaye,

 
Aduun waa geshiiniyo tog aad gooy isleedahaye,
ninki gaabsho yeelkii xaqana gees ka marayaye
Maan jihaadka geyrkiisa aan geliya laabteyda
Galka seefta maan kala baxoo gaatan bahaleeyo,
gud gudoo daa iyo cirko gebi madoobaaday,
guura socosho maan daa’imoo aan gondaha nuuxsho
ganacsigu yaboohay allaah maan u gudo leylki,
gaalo iyo intii gacal la’e maan gollama jeexo,
nabsibaa ku gaariyi rabee maan u gacan qaado,
gulufkiisa wow oomanaay guda qurmoonloow’e,
maan rasasta gaadada iyo goonka uga seyro,
Galoof ololka goolaftankiyo goodiyo faanka,
Isticmaarku waa gaba hayaa dhoor dhaw dabeede,
Dulmigaan la giir giirayaa waa gandabi jeere,
Golxob ololi gaal leef birqee waa la gelinaaye,
Guraabaasna waa xigi iyo weliba geesaase,
Ilmadiisu waa soo go’ee waan gobo leyne,
Aniguna gallad baan hantiye guulle idinkii dheh.

waxaa tiriyay cabdulaahi soomaali wuxuuna soo baxay 23 04 2017

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Maxaa Cusub
  • DHEGEYSO: GABAYGA NAFTII HAFAR OO U SAABSAN XASAN SHEEKH IYO JABKA CIIDANKIISA.June 12, 2024
  • Cabsi Alshabaab laga qabo miyaa Afka loo duubtay?December 3, 2021
  • Dhegeyso oo akhriyso Gabayga Af bullaacadDecember 3, 2021
  • Gabayga dib isu weydiiya?April 29, 2019
  • Gabayga qaldhac iyo qamanyoApril 29, 2019
  • Gabayga Galka Seefta Maan kala baxo iyo Abwaan Cabdulaahi Soomaali.December 10, 2017
  • GABAYGACAQIIDO. WAXAA TIRIYAY Cabdulaahi SoomaaliDecember 10, 2017
  • Kenyooy meydkaadu waa kaa maalin cad horteena yaalSeptember 24, 2016
  • Degdeg Shabaabka oo Caawa ka dagaalamaya Duleedka Muqdisho.December 1, 2013
  • Askar ka tirsan Dowladda Fedraalka oo qarax lagula beegsaday degmada Afgooye.December 1, 2013
  • R/Wasaare Saacid “Go’aan kasta oo lagaaro anigoo ka maqan Baarlamanka waa mid kudhisan dhalanteed oo aan sharci aheyn”December 1, 2013
  • Shabakadda Gobanimo.Net oo Hawada soo gashay.October 11, 2013
  • Hello world!September 19, 2013
© 2011-2012 Gobanimo Online . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .